Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

Date:

Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo Kismaayo u yimid howlo shaqo oo muhiim ah.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee XFS waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano ka tirsan DFS, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS ayaa Kismaayo u yimid sidii uu indho indhayn ugu samayn lahaa mashaariic muhiim ah oo kasocda degmada Kismaayo iyo dhagax dhigga mashaariic kale oo la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Kismaayo kuwaas oo bulshada muhiimad gaar ah uleh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...