Kusimaha Madaxweynaha oo daahfuray Barnaamijka shaqo hufan “SAWIRRO”

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka Shaqo Hufan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Furitaanka munaasabadda waxaa goog joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Xanaannadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, hay’adaha kala duwan ee deeq-bixiyaasha ah, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo madax kala duwan oo munaasabada lagu casuumay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, oo faafaahin ka bixiyay, Barnaamijka Shaqo Hufan, ayaa waxaa uu sheegay in mashruucan ay Wasaaradda kormeeri doonto, isagoona xusay in shaqaalaha wax-qabadkoooda lagu abaalmarin doono xuquuda shaqalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka munaasabadda soo xiray ayaa si rasmi ah u furay Barnaamijka Shaqo hHufan, isagoona khudbad uu ka jeediyay ku sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dhalinyarada ay bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, Wasaaradduna ay bilowdo tababaro dhalinyarada lagu baraayo xirafado shaqo. Waxaana uu tilmaamay in shaqaalaha cadaalad loo sameeyo si shaqada ay u hufnaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...