Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka xannaanada Xoolaha

Date:

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley).

Xubnaha Guddiga oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hayโ€™adaha Dowladda, ayaa Wasiirka si gaar ah wax uga waydiiyay shuruucda xannanada Xoolaha iyo kobcintooda, maaraynta mashaariicda caalamiga ah iyo sida looga faaโ€™iideeyo dowlad Goboleedyada, hannaanka ka faaโ€™iideysiga xoolaha nool, qorshaha Wasaaradda ee reer guuraaga xoolohooda ku waayay fatahaadihii dalka ka dhacay iyo suโ€™aalo kale oo muhiim ahaa.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa mid mid uga jawaabay dhammaan suโ€™aalihii ay waydiiyeen xubnaha Guddiga, waxaana lagu ballamay wadashaqayn dheeraad ah iyo isla xisaabtan iyada oo lagudanayo waajibaadka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...