Howlgal lagu dilay Horjoogeyaal Khawaarij ah oo ka dhacay Jubbada hoose

Date:

Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareekanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo khatarta iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...