Baarlamaanka Carabta oo si adag uga hadlay xadgudubta Etoobiya ku hayso dalkeena.

Date:

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo sheegay in si cad uu udiiddan yahay in faraha lalagalo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo daris wanaagga.
Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu yiriโ€ baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyoโ€.
Bayaanka kasoo baxay baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in sidoo kale tahay madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mid aan gorgortan laga gali karin oo qayb ka yahay amniga Qaranka Carabta, waxa ayna intaas sii raaciyeen in baarlamaanka Jaamacadda Carabta diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya garab Istaag buuxa si qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo ilaaliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...