Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Sheegay in dowladda ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado  kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey madal ay soo qaban-qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa xusay in Xukuumaddu ay qirsan tahay doorka wax ku oolka ee ay shirkaddu kaga jirto dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in deyn cafinta kadib ay shirkadaha ka shaqeeya dalka ay heli doonaan fursado badan oo ay adduunka kula falgeli doonaan.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xildhibaanno ka tirsan labada gole, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

War-Saxaafadeed Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud...