Al-Sisi: barakicinta shacabka Falastiin waxay nagu dhiiro galineysaa dagaal ka dhan ah Isra’iill

Date:

Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al-Sisi, ayaa ka digay sii socoshada duqeymaha milateri ee ka socda mgaalada Qaza, wuxuuna sheegay in haddii ay sii socdaan ay yeelan doonaan saameyn amni iyo mid militari oo faraha ka baxdo.

Al-Sisi, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta oo Arbaca ah qabtay ku sheegay mar uu xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz, in barakicinta Falastiiniyiinta ay ka dhigan tahay in Israa’iil ay dalbaneyso dagaal, isagoo wacad ku maray in waxii ka dhaca go’doominta marinka Qaza, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonta Isra’iil.

Madaxweynaha Masar ayaa yiri; “Sii wadida duqeymaha milatari ee lagu gumaadayo shacabka Qaza, waxa ay saamayn ku yeelan doontaa gobolka waxana laga yaabaa in ay faraha ka baxdo, indhaha lagama daboolan karo dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”.

Shalay ayay aheed markii Xukuumadda Qaahira ay ugu baaqday Israa’iil inay joojiso beegsiga iyo duqeymaha ay ku hayso dadka rayidka ah, ayna ogolaato in halkaasi la gaarsiiyo gargaarka bini’aadannimo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...