Tirade dadka ku waxyelloobay duqeymaha Israโ€™iil ay ka waddo Falastiin oo korartay

Date:

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymaha arxan-darrada ah ee Ciidamada Israโ€™iil ay ku garaaceyaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Qaza iyo magaalooyin kale.

Ciidamada Israโ€™iil ayaa isbuucii labaad duqeymo culus ka wado magaalada Qaza, waxa ayna magaalada noqotay mid bur burtay ,sidoo kalana ay ka barakaceen inta badan dadkii kunoolaa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Falastiin, Eyad Al-Bozom,ayaa sheegay in duqeymaha Israโ€™iil ay ku dhinteen dad ka badan 2,750 oo qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9,700.

Eyad Al-Bozom, ayaa sidokale, sheegay in ay jiraan dad ka badan kun qof oo nolol iyo geeri lagu laโ€™yahay, waxa uuna shintaa ku daray in qaarkood ay ku hoos jiraan dhismayaasha ku bur buray duqeymaha Israel.

Ciidamada Israโ€™iil ayaana wali sii wada duqeymaha ay ku garaaceyayaan magaalada Qaza iyo degaano kale oo Falastiin katirsan, waxa ayna duqeymaha sii badinayaan dhimashada shacabka aan waxba galabsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...