Soomaaliya oo Masar kaga qayb galaysa shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi  Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay  Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti,  Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye  Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira  dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.

Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...