Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka maraykanka

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka  Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka & sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay ka sifaynta khawaarijta,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorrayn lahayn kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...