Wasiirka Warafaafinta: Dalxiiska wuxuu qayb ka qaadan karaa dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa furay munaasibadda maalinta Qaran ee Dalxiiska.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in dalxiiskii dalka uu ku yimid burbur soddonkii sano ee lasoo dhaafay, balse ay muuqdaan ifafaallooyin aad u qurux badan, maaddaama ay ka wada socdaan dib u dhis xooggan iyo dib u xorayn.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay dowladdu dhowaan samaysay daraasad ku aaddan sidii dib loogu soo noolayn lahaa dalxiiskii dalka.

Dalxiiska ayuu sheegay in uu qayb ka qaadan karo dhaqaalaha dalka, horumarinta shaqa abuurka, dib u heshiisiinta iyo is-dhex galka bulshadeenna.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan oo dhinaca dalxiiska ku wanaagsan, dhammaan gobollada dalkuna ay leeyihiin goobo u diyaarsan dalxiiska una baahan oo keliya maalgashi in lagu sameeyo.

Wasiir Aweys ayaa u bogaadiayay una mahad celiyay shirkadaha maxalliga ah ee u istaagay soo noolaynta dalxiiska dalka, kuwaas oo daboolay inta badan shaqadii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo hay’adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya dalxiiska ayaa isu diyaarinaya xuska 13-ka Septembar oo ah maalinta dalxiiska Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...