guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guud ee golaha shacabka bjfs.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya, soo jeedin mooshin ku taariikhaysan 29-08-2023 ee ku saabsan Gen. Sheegoow. Sidoo kale 16 Xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshin ku saabsan wax ka bedel sharciga akhrinta sadexaad maraya iyaga oo dalbaday in qodobo qaar wax ka bedel lagu sameeyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa akhriyay mooshinka ku saabsan Jeneral Sheegoow, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka faray in Ku-simaha Xoghayaha Guud uu ku wareejiyo Huddiga Amniga si ay baaritaan usoo sameeyan warbixintoodana Golaha kusoo celiyaan.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga kusoo daraan soo jeedinta xildhibaanada ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya islamarkaana maalinta Arbacada la horkeeno fadhiga Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...