Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama lagu guda jiro dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliyeedba ay kula jiraan Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ducaadda uga mahad celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraarujinta bulshada iyo ciidamada qalabka iyo caddeynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo midda fikirka ah ee lagula jiro  Khawaarijta iyo guud  ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culimaa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowlad Federaalka Soomaaliya, si Dalka loo xoreeyo haraadiga Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...