Guddoomiyaha g/banaadir ayaa maanta si rasmi ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furinta dagaalka, iyada oo munaasabada deeqda lagu wareejinaye ay ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb Caasimadda Galmudug.

Goobta uu duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay Tobanka Halaad ee Geel-ka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa a Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta Boliiska, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...