Dadka Bacaad weyne ee koofurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka khawaarijta

Date:

Dadka deegaanka Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug ayaa wacad ku maray in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta ee ka socda Galmudug.

Abbaan duulaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee xoogga dalka G/le, Xirsi Cali Quuri oo la hadlayay boqolaal xoogagga macawisleeyda deegaanka ah ayaa sheegay in saraakiisha,siyaasiyiinta, Odayaasha. Dhallin yarada iyo wax garadka kasoo jeeda Bacaadweyne ay u mideysan yihiin la dagaallanka khawaarijta.

Abbaan duulaha ayaa intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay gaari doonaan furimaha dagaalka, ciidamada uu hoggaaminayana ay yihiin kuwii sanada ka hor Cadowga ka saaray deegaanno ka tirsan Galmudug, mar kalana ay diyaar u yihiin cirib tirka khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...