Al-Burhaan: Suudaan waxay wajaheysaa shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara

Date:

Taliyaha Ciidanka Suudaan , Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa sheegay in dalkiisa uu xilligan wajahayo shirqoolkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara, kaasi oo sida uu sheegay lagu beegsanayo guud ahaan masiirka Suudaan.

Al-Burhaan oo khudbad ku saabsan munaasabadda 69-guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidammada qalabka sida ee Suudaan u jeediyay Shacabka ayaa weeraray ย taliyaha ciidamada Taageerada degdega ah, isagoo ku sifeeyay inuu yahay khaaโ€™inul wadan damacsan inuu ka faaโ€™ido dhiiga shacabka reer Suudaan.

ย 

Taliyaha ciidamada Suudaan, ayaa wacad ku maray in dhawaan Shacabka Suudaan ay u dabaal degi doonaan guulo laga gaaro ciidamada ka soo horjeeda ee tageerada degdega ah.

Khubarada dhanka ย militariga iyo qaar ka mid ah diblumaasiyiinta ย Caalamka ayaa saadaalin ay ka sameyeen dagaalka ka socda Suudaan, ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon karo muddo dheer.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...