Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Ukraine uu siinayo doono gargaar milateri oo ku kacaya Adduun lacageed oo gaaraya 400 milyan oo dollar, si loogu dhiiri galiyo duullaanka Ruushka.
Gargaarkan ayaa isugu jira Rasaasta difaaca hawada ee loo yaqaanno Patriot, Gantaallada HIMARS, qeyb ka mid ah madaafiicda culus, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo militari, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken, ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in gargaarkan uu yahay mid loogu talagalay in lagu caawiyo Ukraine, si ay ugu kaashato dagaalka ay kula jirto Ruushka, isaga oo sidookale cambaareeyay duqeymaha uu Ruushka ku bartilmaameedsanaayo xarumaha istiraatiijiga ah sida dekeddaha.