Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo kormeeray xarumaha bixinta adeegyadda Baasaboorka

Date:

Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socodka howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa dhamaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhegeystay Agaasimayaasha waaxyaha, kuwaas oo Warbixino ka siiyay sida ay u socdaan shaqada ay u qaabilsanyihiin Hay’adda ee ah bixinta adeegga Baasaboorka Shacabka, kaas oo laga bixiyo labada degmo ee ay ku yaalaan Xafiisyadaas.

Sidoo kale mudadii uu Agaasimuhu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala Xafiisyada uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda iyo caqabadaha shaqo ee ka jira halkaas.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegga dadweynaha isla markaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Shacabka yimaada xarumaha adeegga Baasaboorka laga bixiyo iyo Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, kormeerka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa waxaa kormeer kiisa ku wehlinayay, Madaxa Kaalinka Agaasinka Guud, Agaasimaha Waaxda Baarista iyo Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...