Danjire Ilyaas: Waa muhim in waddamada Carabta , kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hortagga argagixisada

Date:

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka joogtada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in ay muhiin tahay in Waddamada Carabta, kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hor tagga musiibada kooxaha argagixisada ay ku hayaan dunida gaar ahaan dalalka Islaamka.

Safiirka oo ka hadlayay Shirkii 2-aad ee wasiirrada Arrimaha Dibedda Ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada Jasiiradaha Baasifigga oo lagu qabtay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, kuna matalayay Soomaaliya ayaa intaa ku daray in xasillooni ka hirgasha goobaha ay argagixisadu aafeysay ay horseedi doonto in ay taabba gasho himillada ay hiigsanayaan dowladaha waddamadaas iyo shucuubtooda.

Danjire, Ilyaas ayaa ka digay qatarta sii kordheysa ee fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday, taas oo ka dhalatay isbeddelka cimillada, wuxuuna xusay in dhibaatooyinkaasi ay yihiin kuwo ka baaxad weyn awoodda dowladda Soomaaliya loona baahan in ay garab istaag ka helaan walaalahooda Carbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...