Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta gurmadka Deg-degga ee Isbitaal Madiino

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed, iyadoo  ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada  ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...