Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.
Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan Tiirka Caddaaladda, oo soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa Tiirka iyo howlaha hadda horyaala.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...