𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 “𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗺𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮”.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...