Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan gaar ah la qaatay Maamulaha guud ee sanduuqa hormarinta Sacuudiga.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...