Wasiirka Maaliyadda oo shir uga qeyb galay dalka Morocco

Date:

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hayโ€™addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hayโ€™addaha dhaqaalaha dalalkaย  Carabta.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hayโ€™addaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.

Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hayโ€™addaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

โ€œWaxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hayโ€™addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliyaโ€. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hayโ€™adaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.

Dowlado iyo hayโ€™ado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale