Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo bogaadiyay Howlagallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Caasimadda

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudah Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Bogaadiyay Howlgallada Wax ku-oolka ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeeb bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal dambiyeedyo qatar ku ah ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waan ku Bogaadinayaa shaqada Wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska G. Banaadir islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri Wasiir Ahmed Moallim Fiqi

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...