Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys oo faahfaahin ka bixiyay Shirka ka furmaya magaaladda Baydhabo

Date:

-Shirka Madasha wada tashiga qaranka ayaa magaalada Baydhabo maanta ka fumaya waxaan shir guddoominaya madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan  madaxweynayaasha dowladda goboleedayada Soomaaliya.

“Waxaa diirada lagu saaraya shir arrimaha amniga ,midaynta maaliyadda maamul goboleedayada iyo dhowladda dhexe ay ku wada shaynayaan,arrimaha doorashooyinka iyo sameynta nidaamayo doorasho oo dalku yeesh taas oo qayb ka ah kulamadda ay yeelanayaan madaxweynaha XFS iyo kuwa maamul goboleedayadda oo ajandah shirka qayb ka ah.

Sidoo kale,madaxweynaha jamhuuriyadda iyo madaxda heer dowlad goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka,shirkan ayaa ah shirkii shanaad ee madashan oo gabagabada Shirka madasha wada tashiga qaran laga filaya in ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo,” waxaa sida yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta qaranka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...