Sacuudi Carabiya iyo Iran oo dib usoo celiyey xiriirka diblomaasi

Date:

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

“Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran ee IRNA, oo soo xiganeysa war-saxaafadeed wadajir ah.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo sidoo kale daabacday bayaanka, ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii iskaashiga amni ee la saxiixay 2001, iyo heshiiskii dhaqaale, ganacsi iyo maal-gashi ee 1998-kii.

Labada dal ayaa dhowrkii sano ee tegay wada-hadallo dhowr ah ku yeeshay dalalka Iraq iyo Oman.

Hase yeeshee, wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, ayada oo Shiinaha uu qeyb ka yahay war-saxaafadeedka wadajirka ah ee lagu shaaciiyey heshiiska maanta.

Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa Isniintii ugu safray Beijing “wada-hadallo xooggan oo u Shiinaha kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga si ugu dambeyn loo xaliyo dhibaatooyiinka u dhaxeeya Tehran iyo Iran,” ayey tiri IRNA.

Sacuudiga Carabiya ayaa uga mahad-celisay Iraq iyo Oman inay marti-geliyeen wada-hadalladii labada dhinac ee 2021 iyo 2022.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale uga mahad-celisay hoggaamiyeyaasha Shiinaha inay mart-geliyeen oo ay taageereen wada-hadalladii lagu qabtay dalkaas.

AFP, REUTERS

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...