Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska goโaannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.
Hayโaddu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo goโaannada Guddiga Sare ee NAMLC.
Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada ooย macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Hayโaddu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan goโaannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hayโadaha kala duwan ee dowladda.

