Booliis lagu afduubtay dalka Colombia oo lasii daayey

Date:

Madaxweynaha dalka Colombia, Petro, ayaa sheegay in lasii daayay askartii iyo shaqaalihii shidaalka ee lagu haystay mudaaharaadyadii ka dhacayay gobolka koonfureed ee Caqueta ee dalka Colombia.

Rabshado ayaa dhacay khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii dadka deegaanka ay xireen dhismaha shirkada shidaalka ee Emerald Energy.

Dadka ku dhaqan deegaanka laga soo saaray shidaalka, ayaa shirkadda ka dalbanayay inay dhisto waddooyin.

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa sidoo kale dalbaday in la sii daayo 79-ka Booliska ah, iyo 9 kamid ah shaqaalaha shidaalka ee la afduubtay.

Askari booliis ah iyo qof rayid ah, ayaa ku dhintay rabshadaha.

Markii saraakiisha iyo shaqaalihii booliiska ee la haystay la sii daayay, ayuu wuxuu Madaxweynuhu amray in la bilaabo baaritaan lagu ogaanayo mas’uuliyadda dilka labada qof.

Wasiirka arrimaha gudaha, Alfonso Prada, ayaa horay u sheegay in raggaasi la toogtay.

Inta badan dibad baxayaasha, ayaa ah dad asal ahaan kasoo jeeda dalkaasi, waxayna sidoo kale dalbadeen dhismaha wadooyinka ee San Vicente del Cagua, halkaasi oo Emerald Energy ay kasoo saarto saliid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...