Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Jubbaland

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ay wadaan Ciidamada qaranka oo kaashanaya kuwa Jubaland kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka maamulka Jubaland ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dib u dhiska iyo horumarka oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgallada socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay booqasho gaaban oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, wuxuuna muddada uu ku sugnaa halkaas kullamo mira dhal ah la qaatay madaxda Jubbaland, waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu kala hadlay horumarka socda iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...