Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo dalka Tunisia kaga qeyb-galay shir looga hadlayey la dagaalanka argagaxisada

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa  iyo Wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka Tunisia kaga qeyb-galay shirka 40-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Carabta ee ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa sanadkaan xoogga lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagaxisada, ka hortigada daroogada iyo qulqulka dadka ee sharci darada ah

Wasiiru Dowlaha ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, Wasiirada Arimaha gudaha Dalalka Masar, Sacuudiga, Qatar, Saldanada Cumaan, Tuunis iyo xoghayaha guud ee golaha Wasiirada arimaha gudaha carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...