Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka oo horjoogayaal Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan

Date:

Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo khawaarij ah.

Waxaa howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.

Howlgalkaan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...