Kulan sagootin ah oo xalay muqdisho loogu sameeyay wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka

Date:

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee XFS, Abshir Jaamac Huruuse ayaa sheegay in xalay ay kulan casho sagootin ah u sameeyeen wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka oo soo  gabagabeeyay booqasho sadex maalmood ah oo ay dalka ku joogeen, iyagoo intii ay dalka ku sugnaayeenna booqday xarumo dowladdeed oo kala duwan.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda sar sare ee dalka, iyagoo u kuurgalay saamaynta ay reebeen abaarihii dalkeenna ka dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso ay ka mid yihiin taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen iyo in Soomaaliya loo muujiyo garab istaag dhab ah.

“Qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda  wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso waxaa ka mid ah taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...