Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liiban Sheekh Maxamuud (Maalinguur), qunsulka iyo madaxda sare ee kala duwa oo ka howl gasha safaaradda.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay sida ay u shaqeeyso safaaradda, isagoona sheegay in marxalado adag oo kala gedisan ay soo martay safaaradda isla-markaana xaaladahaas adag loogu shaqeeynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed looguna adeego dowladnimada dalka.

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka BJFS ayaa mas’uuliyiinta safaarada ku ammaanay doorkooda muhiim ka ah ay ka qaateen ilaalinta sharafka ummadda Soomaaliyed, waxaana uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ah dadaal dheer ku bixin doonto sidii wax loogu qaban lahaa, loona qurxin lahaa dhismaha Safaaradda

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...