Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo howlo shaqo u jooga dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq Mudane Dr. Shakhwaan Cabdallah Axmed.

Kulanka labada Guddoomiye oo ahaa mid u ah muhiim Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano ka kala socday labada dal waxaa ku weheliyay danjiraha dalka Soomaaliya ee uu fadhiya Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Mas’uuliyiinta waxay muujiyeen sida uu ugu faraxsan yihiin kulankan iyo soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay, isagoo sidoo kale ka hadlay mawduucyo dhowr ah iyo arrimaha danta guud oo ay ugu horreyso sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada Baarlamaan si loo adkeeyo wada shaqeynta.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Ciraaq, isagoona u muujiyay in Soomaaliya ay tahay dalkooda labaad, waxaana uu tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya, waxaana uu uga mahadceliyay sida uu u soo ajiibay qabsoomidda Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo shalay ka furmay islamarkaana lagu soo gabagabeeyay Baqdaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...