Madaxweyne Guudlawe oo kulan soodhaweyn ah loogu sameeyey Dalka Kenya

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  xalay ka qeybgalay munaasabad soo dhoweyn iyo casho sharaf ay u sameeyeen Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Munaasabada soo dhoweynta Madaxweynaha oo ay kasoo qeybalay Gudoomiyaha Magaalada Wajeer Mudane Axmed Cabdullaahi Jiir, Senator Cabaas Sheekh Maxamed, Xildhibaan Faaduma Jeexow, Xildhibaan Xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye, Xildhibaan Bashiir Cabdullaahi, Xildhibaan Suleekha Haaruun, Xildhibaan Aadan Daud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wajeer Cabdullaahi Yuusuf, Xoghaya Joogtada Ibraahim Rashiid, Waxgaradka iyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee beesha dagoodi soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa waxa uuna tilmaamay in beeshaan yihiin dad ku tilmaaman wanaag iyo walaal jaceyl isagoo adkeeyay inuu wax ka qaban doono caqabadaha ay soo jeediyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...