[DAAWO] Ra’iisul Wasaraha XFS oo guddoomiyey shirka looga hadlayay xoojinta Amniga caasimada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay  kulan looga hadlayey amniga guud ee Caasimadda, Xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo Wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amniga iyo Bulshada Caasimada.

Kulanka ayaa warbixinno ku saabsan amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee Bulshada Caasimada looga dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga, iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku adkeeyey in laga feejignaado dhagaraha iyo qatarta Khawaarijta maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Qeybaha, Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ka tirsan labada Xafiis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...