Wasiirka Beeraha XFS oo Adis Ababa uga qeyb galay shir ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow oo weheliyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-adanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay magaalada Adis Ababa uga qayb-galay kulan heer wasiiro ah oo ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Beeraha ee Midowga Afrika iyo ururka caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (IFRC) ayaa diirada lagu saaray saddexdan qodob ee hoose ku xusan oo muhiim gaar ah u leh horumarinta Beeraha si loo gaaro isku filnaansho cunno waarta.

  1. Mudnaanta istaraatiijiga ah ee u baahan maalgashi si loo gaaro iskufilnaasho cunno oo waarta.
  2. In la sameeyo qorshe hawleed wadajir ah oo bini’aadantinimo oo degdeg ah iyo barnaamijyo ku salaysan adkeysiga muddada fog si loo xaddido gaajada ba’an iyo nafaqo darida ka jirta gobolka.
  3. Abaabulidda taageero istaraatiijiyadeed iyo ilo dhaqaale ee lagu kobcinayo xalalka sugnaanta cunnada ee mustaqbalka fog ee Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud iyo Guddoomiyihii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...