Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Wasiirka waxbarashada XFS iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir  iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada, kadib markii ay Talaadadii daahfureen hannaanka qaadashada 3000 oo macallimiin cusub ah.

Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Axmed Cismaan Daqare iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay warbixin faahfaahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habraaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.

Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daahfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qabanqaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbarashada waxqabadka iyo tallaabooyinka muuqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haqabtirka baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...