Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Marwo Sasirit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doonta dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee...