Maamulka Gobolka Banaadir oo Guddoomiyasha Degmooyinka iyo Saraakisha kala hadlay dardargalinta Amniga Caasimada

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardargalinta horumarrinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka D.H.X, saraakiisha ciidanka Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaas oo la xariiray in talaaba adag laga qaado Xoolaha lagu soo fasaxo Magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bilicda Caasimadda.

 

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa faray Madaxdii iyo Saraakiishii kulankan ku sugneyd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo Amniga, Nadaafada, Kobaca Dhaqaalaha, iyo hoos u daadajinta adeegyada Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...

Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...