Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo wehliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Africom ee Saldhigoodu yahay Magaalo xeebeedka Hobyo.

Date:

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Saraakiisha Africom Xoojinta Howlgalka ka dhankaa Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan Taageradooda dhinacyada Duqeymaha Cirka iyo Howlgalka ciidamada Soomaaliyeed ee la shaqeeya.

Dhanka kale Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan Dib usoo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda Argagixisada, sidii loogu samayn lahaa Adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu.

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgaladda ka dhankaa Khawaarijta, waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta Ciidamada Federalka iyo Kuwa Daraawiishta kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada Tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka Agagixisada iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada meelaha laga saaro Kooxaha Nabadda-Diidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen....

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...