Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan

Date:

Dadkaasi ayaa geeriyooday, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku-dhawaad 49 qof uu ku dhacay Doox ama Waadi ku yaalla Degmadda Lasbela ee Gobolka Balochistan ee Waqooyiga dalkaasi.

Haweeney iyo 2 carruur ayaa ka badbaaday Shilkaasi, sida laga soo xigtay Kooxaha Gurmadka.

Dab ayaa ka kacay Baska markii uu ku dhacay Waadiga, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Baskaasi oo ka ambabaxay magaalladda Quetta ayaa waxa uu ku sii jeeday magaallo-xeebeedka Karachi.

Kaaliyaha Taliyaha Boliska Degmadda Lasbela ayaa sheegay inaan la aqoonsan karin maydadka laga soo saaray burburka baska, balse, laga qaadi doono Dheecaanka lagu ogaan karo Hiddo-sidaha DNA, si loo aqoonsado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...