Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya

Date:

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...