Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shir looga hadlay dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed kaasi oo lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehelinayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar  galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo gabagabeeyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo Ilaalinta wadajirka shacabka si loo helo Koonfur-galbeed xasilloon, heshiis ah, isla markaana xor ka ah ficillada gurracan ee Khawaarijta.

Kulankan waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...