[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Magaaladda Baydhabo oo kormeeray goobihii dhawaan shaqaaqooyinku ka dhaceen ee magaaladaas

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa uu kormeeray qeybo ka mid ah meelihii ay shaqaaqooyinka ka dhaceen isagoo warbixin ka dhageystay baraha ay degan yihiin ciidamada KGS iyo guryaha siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mid mid ula fariistay isla-markaana uu kala hadlay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada si ay mira dhal u noqoto dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana uu Guddoomiyaha faray ciidanka in aysan qaadin wax talaabo ah oo lid ku ah xasiloonida deegaanka, isagoo ka digay in magalada Baydhabo xiligaan qalalaaso laga abuuro lana ilaaliyo wax kasta oo daganaashaha shacabka wax u dhimi kara.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa askartii shalay wax yeeladu ka soo gaartay hoyga wasiirkii hore Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti isla-markaana laga qaatay hubkoodi ayuu Guddoomiyuhu amray in dib loogu loogu celiyo, kuwaas oo ilaalinaayay hooyga wasiirkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...