MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HOSBITALKA GOBOLKA BAAY IYO GOOBO BARAKACAYAAL

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kormeeray Hosbital-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegayda caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.
Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageysaty bahda caafimaadka iyo maamulka Gobolka ayaa faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa uu booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqollaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, ayna saameeyeen Abaaraha ka jira gobolka, iyadoo Madaxweynuhu uu la wadaagay sida ay dowladdu dadaal ugu bixisay gurmadkooda, ayna socoto abaabulka xoreynta deegaannada ay uga soo barakaceen dhibaatada iyo arxan-darrada argagixisada awgeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan, iyadoo Madaxweynuhu uu xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbrasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...