Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...