Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann

Date:

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa intii uu kulunku socday waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta ku qotonta danaha labo-geesoodka ah.
Ms Tina Intelmann ayaa dhankeeda ku bogaadisay dowladda Soomaaliya horumarka baaxada leh ee mudada kooban ay kaga gaartay dagaalka khawaariijta, iyadoo tilmaantay in Midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo xasilinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...