Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha Geeska iyo Bariga Afrika u qaabilsan Finland Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wadahadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare, ka xoraynta dalka ee Khawaarijta Al-Shabaab, dib u heshiisiinta, dowlad wanaagga, iyo wada shaqaynta Aqalka Sare iyo baarlamaanka dowladda Finland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...